Waxaa la ansaxin doonaa Dastuurka kumeelgaarka ahaa ee muddo hadda murankiisu socday. Suaasha taagan waxay tahay Mala ansaxiyaa oo dastuur manoo noqdaa mise waan diidnaa ? Haddii aan diidno anagoo shacabka Soomaaliya ah intee awood ah ayaynu leenahay oo diidmadeenu waxtari doontaa ?
Dad badan baa illaa hada muujiyay in ay diidan yihiin dastuurkaan in la ansaxiyo. Meelo baddan ayaa diidmadaas lagu muujiyay oo ay kamid yihiin boggaga social networking sida facebook iyo twitter. Dabcan shaqsi kasta oo Soomaali ahi wuxuu xaq uleeyahay in uu codkiisa soo gudbiyo kuwa maamulka hayana ay dhageysaan oo haddii uu codkaas weynaado (oo macnaha tirada dadka diidan ay bataan) in ay maqlaan oo joojiyaan ama ugu yaraan ay hakiyaan oo dadkii dib ugu noqdaan oo sifiican ulasoo tashadaan waxyaalaha ay diidanyihiina ogolaansho kasoo qaataan.
Haddaba sida aan tilmaanay waa sida saxda ay ee lagarabo in ay dadka hadda maamulka dowlada haya ama kusoo raba in dastuurkaan la ansaxiyo ay u dhaqmaan laakiin miyay sidaas u dhaqmi doonaan mise siddii waligood hogaamiyaasha Africa lagu yaqaanay ayay suubin doonaan oo kaligood taliyeyaal ayay noqon doonaan. Haddii ay go,aansadaan in ay kaligood taliyaal noqdaan oo jidka saxda ah aysan marin arimahaan Soomaaliya oo intaas oo dhibaata ah soo martay ayay haddana uhorseedi doonaan dhibaatooyin kale oo aad uxun.
Waxaan kula talin lahaa maamulayaasha dowlada Soomaaliya iyo kuwa utaliya ayaga in ay kafiirsadaan arintaan oo aysan dadkaan 20ka sano iyo kabadan dhibka kujiray dhib kale uhorseedin.
Umadda Soomaaliyeed waxaan kula talin lahaa in ay firfircooni muujiyaan oo dastuurka sifiican u akhriyaan wixii aan u cunmina cod buuxa kusheegaan ayagoon cidna kacabsanaynin.
Mafaduda arintaan mana ahan arin ay kufilan yihiin hal ama labbo ama dhow qof oo Soomaali ah ee waa arin ubaahan kaqeybgalka dhamaan umadda Soomaaliyeed. Anaga marka waxaan isku dayi doonaa in aan umadda Soomaaliyeed kubaraarujino sidii ay ugaga qeybgali lahaayeen hor,umarka dalkooda iyo dadkooda.